Al-Shabaab oo baahisay ajnabi weerar ismiidaamin ah ka fuliyey gudaha Somalia (Sawirro)

Al-Shabaab ayaa baahisey muuqaal cusub oo ay ku soo bandhigeen nin ay ku sheegeen inuu yahay qof ajnabi ah oo isku-qarxiyey saldhiga ciidanka xoogga dalka ee degaanka Bariire bishii 3-dii April 2021.

Weerarkaas oo isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah ayaa sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaarey ciidamadda Gorgor ee ku sugnaa xerada la weeraray.

Ninkan ayaa gaari nooca raaxada ah ku bilaabay weerarkaas  kaasoo uu ku dhuftay difaaca ku wareegsanaa xeradaas.

Ramadan Mwani oo magaciisa afgarashadu yahay (Abdulhaq Al-Muhajir) ayaa kasoo jeeda dalka Kenya, isagoo in muddo ah ka mid ahaa kooxda Al-shabaab ka hor inta uusan isqarxin.

Al-shabaab ayaa sheegtay in Mwani uu kamid ahaa dableydii weerartey saldhiga ciidamadda Mareykanka

ku leeyihiin gudaha Kenya ee lagu magacaabo Manda Bay bishii Jan 5, 2020.

Al-Qaacida ayaa sheegtay in weerarkaas ay ugu aar-gudayeen dilka Qaasim Suleymaani madaxii ciidamadda sirdoonka dibadda Iiraan oo mareykanku ay ku dileen magaalada baqdaad.

Ciidamo iyo qandaraaslayaal Mareykan ah ayaa ka mid ahaa dadka ku naf-waayay weerarkaas oo lagu gubay diyaarado nooca qumaatiga u kaca oo malaayiin Doolar ku fadhiya iyo agab kale oo ay isticmaalayeen ciidamada Mareykanka ee saldhigaas ku sugnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -