Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Al Shabaab oo Weerar qaraxyo ku bilowday saakay ku qaaday Saldhig ciidan

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa saakay weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday saldhig ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Jubbaland kaga sugnaayeen deegaanka Jannaay Cabdalla ee kuyaalla duleedka Kismaayo.

Weerarka ayaa ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah ay Al Shabaab ku qaadeen xerada ciidanka, waxaana qaraxyada kaddib xerada ku daatay dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab kuwaa oo dagaal adag la galay ciidanka.

Gudaha xerada Jannaay Cabdalle waxaa ka dhacay dagaal xooggan oo labada dhinac dhax maray, waxaana la sheegay in dagaalka ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaan wali wax war ah kasoo saarin weerarkan saakay lagu qaaday xerada Jannaay Cabdalle , Al Shabaab ayaana dhankooda guulo ka sheegtay.

Waxii warar kusoo kordha kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlad Afrikaan ah oo canshuur ku soo rogtay dadka isticmaala baraha bulshada

Caydiid Ali

Dowlad Weyn oo Qunsul Sharafeed u fadhiya Somalia u magacawday Ganacsade Ismaaciil Gooni (Sawirro)

Cabdi Cade

Saraakiil lagu soo tababaray Turkiga oo dib ugu soo laabtay dalka (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali