Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Farmaajo iyo waxii ay kawada hadleen

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula kulmay magaalada Dooxa ee dalka Qatar Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Madaxweynihii Hore ee dalka, dadaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee argagixisada Alshabaab lagu cirib tirayo.

Farmaajo ayaa dhankiisa boggaadiyay dadaalada ay dowladda wado gaar ahaan xureynta deegaannada Al Shabaab maamulaan, waxa uuna sheegay in uu garab taagan yahay dowladda kuna boggaadinayo dadaalada ay wado.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo ayaa isaga tagay magaalada Muqdisho markii uu ku guul dareestay in dib loo doorto, waxa uuna hadda ku sugan yahay dalka Qatar oo kamid ahaa dowladihii sida weyn u taageersanaa maamulkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -