Maxaa ka jira in ciidamo tababar loogu qaaday Eritreya lagu laayey dagaalkii Tigray?

Maalmahan dambe waaxaa soo baxayey warar ku saabsan in ciidamo ay dowladda Soomaaliya tababar ugu dirtay dalka Eritrea ay ka qeyb galeen dagaalkii Itoobiya ku qaaday Gobolka Tigray.

Taliye ku-xigeenkii hore ee Hay’adda NISA C/salaan Yuusuf Guuleed ayaa Warbaahinta magaalada Muqdisho u sheegay in ciidamada Soomaalida ee lagu tababaray dalka Eritea ay boqolaal ka mida dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dagaalladii Gobolka Tigray ka dhacay.

“Baaritaan marka aan sameeyay iyo xiriiro aan la sameeyay meelo kala duwan waxaan ku ogaanay in ciidamada Soomaalida ee ka qeyb galeen dagaalka Itoobiya iyo Tigray ka dhaxeeya, ee dhinaca Eritrea kasoo galay ay gaaareyso Guuto iyo bar. Waxaan aad uga naxay oo nasiib darro ah iyo xanuun ah in la sheegayo inay dhinteen ku dhowaad 400, ayna dhaawacmeen boqolaal kale oo ciidamo Soomaali ah” ayuu yiri taliye ku xigeenkii hore ee NISA C/salaan Guuleed oo aan wax caddeyn ah soo bandhigin.

“Laba beri ka hor waxaan maqlay in madaxweyne Farmaajo yiri ciidankaas yaan la igu soo celin, hadaan soo laabto anigaa la igala xaali doonaa, haddii aan soo laaban waayana cidii i bedeshaa wax laga weydiin doonaa, balse inta doorashadu jirto yaan noloshooda iyo geeridooda la igu soo hadal qaadin” ayuu yiri C/salaan Guuleed, mana jirto cid xaqijiin karta in hadalkaas laga soo xigtay Madaxweynaha.

Ciidamada dowladda Soomaaliya u dirtay Eritreya si loogu soo tababarro ayaa ahaa qarsoodi, mana jirto cid faahfaahisay nooca ciidamadaasi iyo tiradooda, waxaana xaqiijin iyo caddeyn u baahan ka qeyb galkooda dagaalkii Itoobiya ku qaaday Gobolka Tigray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -