Koox la sheegay iney saaka weerareen ciidamada dowlada oo nolol lagu qabtay

Saraakiisha Ciidamada milateriga ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen koox ka kooban shan nin oo ka tirsan Al-shabaab kuwaasoo weerar ku soo qaadday fariisin ay ciidanku ku leeyihiin degaanka Calamada ee duleedka Muqdisho.

“Qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ka hortagay weerar gaadmo ahaa oo ay soo qaadeen shan nin oo ka tirsan Maleeshiyada Al-shabaab oo gacanta lagu dhigay iyadoo mid ka mida uu dhaawac yahay” ayuu yiri sarkaal u hadlay ciidanka dowlada

Sarkaalka ayaa intaa ku daray inay heleen xog ku saabsan koox dooneysay inay Weerar ku soo qaadaan, wuxuuna sheegay in ciidanka ay qabteen gaarigii ay wateen kooxdan oo uu xusay inuu isu soo ekeysiiyey gaadiid Safar ah.

Sidoo kale, Sarkaalka ayaa intaa ku daray in Magaalada Muqdisho loo soo qaaday 5-ta dagaalyahan ee ay kooxda Al-shabaab ka qabteen iyagoo nool.

Kama hadlin sarkaalkan qaabka ay raggan u soo weerareen iyo hubka ay wateen, dhinaca kalena Al-shabaab ayaan ka hadlin raggan la sheegay in la soo qabtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -