Allbanaadir.com
NEWS

Malaayiin dollar oo loogu deeqay Soomaaliya & hal arrin wax looga qabanayo

Guddiga Siyaasadda iyo Ammaanka (PSC) ee Ururka Midowga Europe waxay ansixiyeen Taageero Dhaqaale oo dheeraad ah oo lagu xoojinayo Ciiddanka Hawlgalka  ATMIS iyo Ciiddanka Dowladda Federalka ee SNA.

Taageerada oo hoos taga Tas-hiilaadka Nabadda ee Midowga Europe waxaa lagu sheegay inay EU-da bixinayso Lacago ka dheeri ah lacagihii mar hore la siiyey ATMIS iyo SNA sanadkan 2023-ka.

Qoraalka ka soo baxay Guddiga Siyaasadda iyo Ammaanka ee Midowga Europe waxaa lagu xusay in Ciiddanka ATMIS loogu daray lacag dhan 85 milyn oo EURO (€85 million) oo ka baxsan miisaaniyadii horey loogu gudbiyey sanadkan, halka Ciiddanka Dowladda Federalka ee SNA loogu daray Lacag dhan 25 milyan oo EURO

Dhanka kale, Qoraalka ka soo baxay EU-da waxaa lagu muujiyey in Kharajka la siinayo Ciiddanka Dowladda Federalka diirada lagu saari doono oo lagu bixin doono Qalabka aan wax dilin  iyo Shaqooyinka Kaabayaasha oo keliya, iyadoo ay xiriir dhow lala yeelanayo Hawlgalka Tababarka Midowga Europe ee Somalia

Related posts

Madaxweyne Xasan oo beeniyay qodobo ay dowladda Itoobiya ku mar marsiyooneyso

Cabdi Cade

(Sawirro) Xassan Shiikh oo dalab culus hor dhigay wakilada beesha caalamka ee Somalia

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Safiirrada Caalamka u fadhiya Soomaaliya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---