Allbanaadir.com
NEWS

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Safiirrada Caalamka u fadhiya Soomaaliya (Daawo Sawirada)

Ra’iisul Wasaaraha JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamid ah Safiirrada dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya iyo wakiillada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

Kulanka ayaa la isku dhaafsaday talooyin ku aaddan xaaladda waddanka iyo sidii ay u dhex mari lahayd Xukuumadda cusub wada-shaqayn dhow, isla markaana horay loogu sii wada ambaqaadi lahaa horumarrada ay dowladdu gaartay. Iyadoo kulanka ay qeyb ka ahaayeen siihayaha Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo siihayaha Wasiirka Arrimaha dibedda M. Axmed Ciise Cawad.

Safiirrada ayaa muujiyay taageeradooda Ra’iisul Wasaaraha cusub una rajeeyay in uu ku guuleysto howlaha muhiimka ah ee horyaalla Xukuumaddiisa, waxayna ammaaneen arrimaha mudnaanta u leh Ra’iisul Wasaaraha Rooble ee Amniga, Doorashooyinka & Dib-u-habeynta hannaanka maaliyadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Azerbaijan oo guul weyn ka gaaray dagaalka ay kula jiraan Armenia

Caydiid Ali

Golaha amaanka oo warbixin laga siiyey xiisada Somalia & Itoobiya

Caydiid Ali

Xiisad ka taagan garoonka Aadan cadde & Shaqaale careysan oo ku dhaqaaaqay shaqo joojin

Caydiid Ali
Taboola Ads ---