Achraf Hakimi oo lagu soo oogay dacwad kufsi iyo Warbaahinta oo hadal heysa

Xiddiga dalka Morocco iyo kooxda PSG, Achraf Hakimi ayaa lagu soo oogay dacwado kufsi la xariira , waxaana kiiskan dacwada si weyn maanta u hadal heysa warbaahinta caalamka gaar ahaan kuwa ciyaaraha ka faalooda.

Dacwad-oogayaasha Faransiiska ayaa sheegay in Achraf Hakimi shalay oo khamiis ah weediiyeen su’aalo la xiriiray eedeymo kufsi la xariira oo kaga yimid haweeney 24 jir ah oo kunool Faransiiska.

Ciyaaryahan Hakimi ayaa warbaahinta qaar baahiyeen inuu haweeneyda eedeysay siiyey lacag si ay gurigiisa ugu soo safarto, xilli xaaskiisa iyo caruurtiisa ay dalxiis ku maqnaayeen si uu ula tunto.

Kiiskan kufsi ee lagu eedeeyay ciyaaryahanka PSG Achraf Hakimi ayaan wax saameyn muuqata ku yeelan xaalada ciyaaryahanka, waxaana xiddigan maanta lagu arkayay tababarkii ay sameenayeen kooxdiisa PSG .

Afhayeen u hadlay kooxda PSG ayaa warbaahinta u sheegay in taageero iyo garab istaag u muujinayaan xiddigooda Achraf Hakimi , waxa uuna sheegay afhayeenka in sidoo kale kalsooni ku qabaan nidaamka caddaalada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -