Allbanaadir.com
NEWS

Dil argagax leh oo ka dhacay magaalada Dhuusomareeb iyo Howlgal socda

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug ayaa sheegaya in xalay halkaasi uu ka dhacay dil dad badan ka argagaxeen ,kadib markii nin kamid ah dadka deegaanka uu dilay walaalkiisa.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in khilaaf xoogan oo soo kala dhax galay labada nin ee walaalaha uu ugu dambeyn xalay sababay gacan ka hadal dhaliyay in la dilo mid kamid ah labada nin ee wada dhashay.

Ninka dilka geestay ayaa la sheegay in uu baxsaday, ciidamada amaanka ayaana magaalada Dhuusomareeb kawada howlgal ay ku baadi goobayaan ninka dilka geestay oo baxsad ku jira.

Dadka deegaanka ayaana aad uga naxay dilkan argagaxa leh ee xalay ka dhacay xaafada Waabari ee magaalada Dhuusomareeb, waxa ayna dadka isweediinayaan waxa keenay in ay is dilaan labo qof oo walaalo ah .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com  

Related posts

Malaayiin Dollar uu xaday Sani Abacha oo loo qeybinayo dad masaakiin ah

Cabdi Cade

Duqeyn culus oo ka dhacday Laascaanood iyo abwaan caan ah oo ku dhintay

Caydiid Ali

Muwaadin Soomaaliyeed oo isku dhax gubay Xabsi uu ku xirnaa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---