Allbanaadir.com
NEWS

NISA oo gacanta ku dhigtay Sarkaal sare oo kaaliye u ahaa hogaamiyaha Al Shabaab

Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa magalaada Muqdisho ku qabtay Muxiyadiin Cabdisalaan Maxamuud (Muxiyadiin Daqare) oo ka tirsan al shabaab, ka mid ahaa Gacanyarayaasha hogaamiyaha kooxdaas Axmed Diiriye.

Sarkaalkan oo si wayn loogu raadjoogay ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho xili uu si dhuumaalaysi ah ku soo galay, iyadoo markii dambe ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA.

Nuxudiin daqare ayaa ka soo howlgalay qaar ka mid ah gobollada dalka, waxaana uu ka soo shaqeeyey gobollada kala ah; Bay, Galgaduud Mudug iyo Shabeelaha Hoose.

Laamaha ammaanka oo gacanta ku soo dhigay ayaa sheegay in ay dhawaan soo saari doonaan xog ku saabsan horjooge Muxiyadiin Cabdisalaan Maxamuud (Muxiyadiin Daqare) oo ka mid ahaa Gacanyarayaasha Axmed Diiriye.

 

Related posts

Qarax khasaaro geestay oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Mid kamid ah Shirakadaha Isgaarsiinta oo fuliyay amar lagu mamnuucay 1Xbet

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble oo hada ka qeyb galaya Munaasabad ka socota Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---