Suuqa xorta ah ee Aagga cashuuraha ka caaggan oo maanta xariga laga jaray (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay suuqa xorta ah ee Aagga cashuuraha ka caaggan oo laga bineeyey duleedka galbeed ee magaalada Berbera.

Munaasibadda xadhig-ka-jarka oo ay madaxweynaha ku wehelinayeen shir-guddoonka golaha Baarlamaanka, guddoomiyaha maxkamadda sare, xeer ilaaliyaha guud, qaar kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, guddoomiyaha shirkadda DP-world, wakiillo ka socday shirkado kala duwan oo iska diiwaangeliyey suuqan xorta ah, madax ka socotay hay’adaha caalamiga ah, madaxda gobolka Saaxil, qaar kamid ah maayarrada Somaliland, Maareeyaha Dekedaha Somaliland iyo Guddida Maamulka Hay’adda Dekedaha iyo Free Zone-ka, ganacsato, madax-dhaqameed iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

Guddoomiyaha shirkadda DP-word, mr. Sultan Ahmed Bin Sulayem, ayaa guul weyn ku tilmaamay dhammaystirka suuqa xorta ah oo ay in badan Somaliland sugaysay, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay kor u qaadayso dhaqdhaqaaqa ganacsiga Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo afmeeray, ayaa sharraxay waxyaabaha uu suuqani usoo kordhinayo iyo faa’iidooyinka ugu jira bulshada reer Somaliland, waxana uu yidhi,“Daah-furka suuqani waxa uu abuurayaa fursado ganacsi, shaqo abuur, korodhsi aqoon farsamo, mid maamul, mid adeeg, is-dhexgalka iyo wax-wada-qabsiga caalamka.”

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dhismaha suuqan xorta ah iyo mashaariicdii hore ee shirkadda DP-world ka hirgelisay Berbera inay magaalada Berbera ka dhigayaan mid awood u leh inay waraabiso dalalka aan dekedaha lahayn ee qaaradda Afrika ku yaalla,“Mashaariicda laga hirgeliyey Berbera waxay ka dhigayaan dekedda mid awood u leh inay u adeegto gobolka iyo dalalka aan dekedaha lahayn ee ku yaalla qaaraddeena, waana tallaabo taariikhi ah oo dawladdu u qaadday dhinaca hirgelinta qorshihii horumarinta Qaranka ee (NDP 1,2, &3,).

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu si gaar ah ugu mahadnaqay ciidamada Somaliland oo uu ku tilmaamay kuwo sabab u ah horumar kasta oo uu qaranku ku tallaabsaday, waxana uu muddadii uu jirey, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Waxan si gaar ah ugu mahadnaqayaa, nabaddaas, horumarkaas iyo quruxdaasi waxay ku timi dhiigga geesiyaasha qaranka ee maalin walba naftooda u huraya si aynu horumar u gaadhno oo inaga mudan mahadnaq iyo xusuus gaar ah.”

Mashruucan suuqa xorta ah ee uu madaxweynuhu maanta xadhigga ka jaray, ayaa kamid ah mashaariic tiro badan oo lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka oo ay shirkadda DP-world ka hirgelisay oo ay kamid yihiin casriyeynta dekedda Berbera, garoonka diyaaradaha ee Berbera iyo jidka Berbera-Wajaale (Berbera Corridor).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -