Maxaa ka jira in Ciidamada PSF ee Puntland ay duulaan ku yihiin ciidanka Somaliland?

Somliland ayaa sheegtay in xogo sirdoon oo ay heshay ay ku ogaatay  in ciidamada Puntland ee PSF iyo PMPF ay qorshaysanayaan weerar iney ku soo qaadaan xeryaha millateriga Somaliland ee gobolka Sool.

Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland oo qoraal soo saartay ayaa sheegtay in xukuumadu ay beesha caalamka ku wargalinayso dagaal ay Puntland qorshayneyso in ay soo qaadaan.

“Wasaarada gaashaandhigu waxay ku wargalineysaa beesha caalamka, dowladaha gobolka iyo Qaramada Midoobay, in xogo sirdoon oo lagu kalsoon yahay oo aanu helnay ay muujinayaan in ciidamada Puntland ee PSF iyo PMPF ay qorshaynayaan in ay soo weeraraan ciidanka qaranka Somaliland” ayaa lagu yiri qoraalka

Somaliland waxay sheegtay in ka dib markii ay xogtan heshay ay qaaday dhamaan talaabooyinka lagama maarmaanka u ah, si ay u difaacdo dhulkeeda iyo shacabkeeda

Waxay beesha caalamka ka codsatay inay cambaareeyaan waxay ku tilmaantay gardarada Puntland, isla markaana ay taageerto xaqa ay Somaliland u leedahay in ay is difaacdo.

“Somaliland waxay rabtaa inay nabad kula noolaato dhamaan jaarkeeda, laakiin kama laba labayn doonto inay difaacdo dhulkeeda iyo madaxbannaanideeda” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -