Allbanaadir.com
NEWS

Raísul Wasaare Xamse Barre oo goordhaw gaaray Aadan Yabaal lana kulmaya Saraakiil ciidan

Raísul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda oo la socda ayaa goordhaw gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Xamse Barre iyo xubnaha la socda waxaa soo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Hirshabelle iyo masuuliyiin kale , waxaana loo galbiyay Raísul Wasaaraha goobaha ay joogaan saraakiisha ciidanka.

Raísul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa la filayaa in uu la kulmo saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, kuwaa uu kala hadli doono dar-dargelinta howlgalada la doonayo in Al Shababa looga saaro dalka.

Socdaalka uu Raísul Wasaare Xamse Barre ku tagay gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa imaanaya xilli ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka isaga soo baxeen deegaanno iyo degmooyin badan ay kaga sugnaayeen gobolka Galgaduud.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Qarax Khasaaro geestay lagu weeraray Ciidamo ku sugnaa Isgooska Bakaaraha

Cabdi Cade

Dal Afrikan ah oo taageeray Go’aankii Madaxweyne Trump ee magaalada Qudus

admin

Milateri hubeysan oo xoog ku soo furtay haween iyo caruur afdduub loo heystay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---