Daroogo fara badan oo si yaab leh loogu soo qariyey Markab la qabtay (Daawo Sawirro)

Hay’addaha ammaanka ee dalka Aijeeriya ayaa sheegay iney qabteen daroogada Coaine loo yaqaanno oo ka badan 700 kiilo oo saarneyd markab ayna u xirxireen 20 qof oo looga shakiyey iney daroogadaasi gudbin rabeen.

Markabka ayaa wuxuu siday hilib laga keenay dalka Brazil wuxuuna horay ugu soo xirtay dakadda Valencia ee dalka Spain.

Wuxuuna dekadda galbeedka Aljeeriya ee Oran uu ugu soo xirtay badda oo xirneed awgeed balse shakiga uu keenay marki naakhuudaha markabka uu diiday inuu 3 maalmood dakadda taagnaado.

Naakhuudaha oo damcay inuu markabka badda ku geddiyo ayaa waxaa qabtay ciidamada ilaalada badda ee Aljeeriya waxayna ku qasbeen inuu dekadda Oran uu ku soo xirto.

Daroogada markabka ay saarneyd oo lagu qabtay wuxuu ka diiwaangashan yahay oo laga leeyahay dalka Liberia waxaana lagu magaacaabaa Vega Mercury, waxayna galka hore ee daroogada ku soo qoreen hilib xalaal ah.

????????????????????????????????????

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -