Somaliland oo War kasoo saartay Dagaal dhax maray ciidankooda iyo kuwa Puntland

Waxaa saakay gobolka Sanaag deegaan katirsan ku dagaalamay ciidamo kala taabacsan maamulka Somaliland iyo kuwa Puntland, waxaana wali xiisad dagaal laga dareemayaa aaga labada ciidan ku dagaalameen.

Taliska guud ee ciidamada maamulka Somaliland ayaa ka hadlay dagaal maalintii labaad ay la galeen ciidamada Puntland, waxaana taliska Somaliland dagaal ku eedeeyeen in ay soo qaadeen dhinaca maamulka Puntland.

Warka kasoo baxay taliska ciidamada Somaliland ayaa lagu sheegay in ciidamada Puntland labo maalin oo isku xigta weerar kusoo qaadeen ciidamadooda ku sugan magaalada Laasqoray iyo deegaanka Hadaaftimo.

“Waxaa jira inay puntland ciidamadoodu weerareen shalay 25/2/2020 barasaabka laas qoray ee Somaliland isku dayeena inay dilaan , hase ahatee ilaahay ka badbaadiyay , waxay daandaasi joogta ku hayaan dadka Somaliland ee degan badhan iyo degaanada ku hareeraysan, Saaka abaaro 6 30 subaximo , waxay ciidamada puntland isku day dagaal ka bilaabeen degaanka kadhada oo 18 km u jira yube , halkaana waxaa isku haleelay ilaalada hore ciidanka qaranka iyo dagaal oogayaasha ciidanka puntland halkaas oo ciidanka qaranku dhirbaaxo lama ilawaana ku dhuftay kana soo hooyeen guulo iyagoo ka qabsaday hub iyo gadiid intaba ayaa lagu yiri”Qoraalka Taliska Guud ee Ciidamada Soomaaliland.

Taliska ciidamada maamulka Somaliland ayaa sheegay in aysan diyaar u aheyn dagaal ay la galaan Puntland, waxaana talisku sheegay hadii lasoo weeraro in aysan aamusi doonin ayna is difaaci doonaan.

Maamulka Puntland ayaan ka hadlin dagaalka maalintii labaad dhax maray ciidamadooda io kuwa Somaliland, waxaana wali deegaano katirsan gobolka Sanaag oo labada maamul gacan ku heyntiisa isku hayaan laga dareemayaa xiisad dagaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -