Dalka ugu halista badan caalamka ee lagu dilo shaqaale gargaar oo la shaaciyey (Daawo Sawirro)

Warbixin ay soo saartay la taliyaha arrimaha bani’aadaminimada ee QM ayaa waxay sheegeysaa 158 weerar oo lagu beegsaday shaqaalaha gargaarka iney sanadkii tagay ka dhaceen dalka koonfurta Sudan.

Ku dhawaad 4 million oo qof reer South Suudaan ah ayey macluul la soo daristay iyada oo uu dalkaasi mudda shan sana ah uu ka socdo dagaal sokeeye.

Warbixintu waxay sheegeysaa in sandakii la soo dhaafay dalka South Sudan xabbad lagu dilay 24 kamid shaqaalaha gargaarka, taasoo noqonaysa tiradii ugu badneyd ee shaqaale gargaarka ka shaqeysa oo muddo sanad gudihii halkaas lagu dilo.

Sidoo kale waxaa sare u kacay xarigga ay kooxaha qaybta ka ah colaadda u geystaan howlwadeenada gargaarka.

Weerarrada kale ee dhibaatada geystay waxaa ka mid ah in qofka shaqsiyan wax la gaarsiiyo iyo in hub wax lagu boobo.

Hay’adda qaxootiga u qaabilsan dalka Norway ee NRC ayaa waxay sheegaysaa in tan iyo 2013-kii marka uu dagaalka sokeeye uu ka dillaacay South Sudan, dalkaasi lagu dilay boqol qof oo howlwadeennada gargaarka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -