Iran oo dalkeeda ka ceyrisay diblomaaiyiin reer Galbeed ah iyo xiisad ka dhalatay

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Iran, Naasir Kanani Chafi ayaa ku dhawaaqay in 2 Diplomasi oo Jarmal ah loo aqoonsaday Dad aan laga rabin dalkaasi (persona non grata) dalka Iran.

Qoraal uu Afhayeenka soo dhigay Barta Instagram  waxa uu ku eedeeyey Dowladda Jarmalka inay faragelin ku hayso Arrimaha Gudaha ee dalka Iran iyo Dacwadaha weli ka socda Maxkamadaha Iran.

Afhayeenka ma uusan shaacinin magacyada Diblomaasiyiinta iyo Xilalka ay ka hayeen Safaarada Jarmalka.

Dhanka kale, Majid Nili Ahmadabadi oo ah Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Iran iyo Agaasimaha Guud ee Waaxda Galbeedka Europe waxa uu u yeeray Danjiraha Jarmalka u jooga magaalladda Tehran, una gudbiyey Go’aanka lagu cayrinayo labada Dibloomaasi, iyadoo muddo kooban loo qabtay inay kaga baxaan dalka Iran.

Xiisadan Diblomaasiyadeed ee u dhexeyso Dowladaha Iran iyo Jarmalka ayaa ku soo beegantay maalmo kadib, markii ay Dowladda Jarmalka ay  Arbacadii la soo dhaafay (22-kii February) ay soo cayrisay 2 Shaqaale ka tirsan Safaarada Iran ku leedahay dalkaasi, iyadoo loo tilmaamay Shaqsiyaad aan laga rabin Jarmalka.

Dowladda Jarmalka waxay Go’aankaasi u qaadatay, kadib, markii ay Maxkamad ku taalla dalka Iran ay Xukun dil ah ku riday Muwaadin haysta Dhalashada Jarmalka, balse asalkiisu Iiraani ah.

Wakaalladda Wararatka Garsoorka Iran ee The Mizan News Agency waxay Talaadadii isbuucii hore sheegtay inay Maxkamadda  Xukun dil ah ku riday Jamshid Sharmahd oo ah Muwaadin Irani oo haysta dhalashadda dalka Jarmalka iyo Deganaanshaha dalka Maraykanka.

Ustaad Nuradin Ahmed Dini
Mogadishu, Somalia

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -