Sheekh Aadan Madoobe oo gaaray Qaahira si weyna loogu soo dhaweeyay (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa  gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

Guddoomiyaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Qaahira ku soo dhaweeyay danjiraha Soomaaliya ee Dalka Masar Amb. Ilyaas Sheekh Cumar iyo masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka dalka aan walaalaha nahay ee Masar.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa inta uu joogo magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar kulamo la qaadan doona masuuliyiin katirsan dowladda Masar, waxa uu sidoo kale la kulmi doonaa masuuliyiin katirsan jaamacadda Carabta.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa magaalada Bagdaad ee caasimadda dalka Ciraaq uga soo qeyb galay shirweyne , waxa uuna hadda safaro ku marayaa qaar kamid ah waddamada Carabta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -