Taliyaha Boliska DF oo kulan deg deg ah iskugu yeeray saraakiisha laamaha amniga (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa galabta shir deg deg ah isugu yeeray Taliyeyaasha Booliska iyo NISA ee Degmooyinka Gobolka Banadir kaasoo ka dhacay Akademiyada Boliska ee Sareeye Guuto Kaahiye

Waxaa shirkaas looga hadlay xoojinta amniga magaalada Muqdisho oo ay maalmahan ku soo bateen dilalka iyo dhaca ay geystaan askarta dowlada qaarkood iyo dabley hubeysan

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa u sheegay saraakiisha iney ku dedaalaan sugida anmiga muwaadiniinta iyo maalkooda, isagoo xusay in taliye walba lagula xisaabtami doono waajibaadka loo xilsaaray.

Waxaa kulankaas ka qeyb galay Taliye Xigeenka 1-aad ee Ciidanka Boliiska, Sareeye Guuto Cusman Cabdulahi Maxamed (Kaniif), Taliyeyaasha Qeybta Guud ee NISA iyo Boliiska Gobolka Banaadir. (Gaashaanle sare Macalin Mahadi iyo Gaashaan sare Muxudiin Afrax).

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa aad ugu soo batay Maalmihii la soo dhaafay dilalka loo geysanayo  darawalada Mooto Bajaajta, shalay ayeyna aheyd markii darawal Mooto Bajaaj lagu dilay agagaarka laami yaraha Soobe ee Magaalada Muqdisho halka mid kalena la dhawaacay, waxaana gacanta lagu dhigay labadii askari ee falalkaas ka dambeeyey.

Dilkii ugu dambeeyey ayaa galabta ka dhacay agagaarka hotelka Jubba ee magaalada Muqdisho ka dib markii askari ka tirsan ciidanka dowlada uu dilay darawal mooto bajaaj, isagoo ka dibna baxsaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -