Qarax saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Jugta qarax aad u xooggan oo saakay laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ka dhacay agagaarka isgooska Bakaaraha, qaraxan ayaana dhacay xilligii salaada subax oo inta badan dadka ay hurdeen.

Sida aan wararka ku helnay qaraxan dhacay oo ahaa nuuca miinada ayaa lagu xiray sandaqad la sheegay in lagu iibinayay waxyaabaha maanka-dooriya, taa oo taalay agagaarka isgooska bakaaraha.

Ciidamo katirsan booliiska oo ku sugnaa isgooska Bakaaraha ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen baaritaano, lamana soo sheegin ilaa hadda khasaaro nafeed oo qaraxa ka dhashay.

Qaraxan lagu burburiyay sandaqada waxyaabaha maanka-dooriya lagu iibinayay ayaa dhacaya xilli Al Shabaab magaalada Muqdisho ka bilaabeen in ay dilaan dadka iibiya waxyaabaha maanka-dooriya iyo sidoo kale hoggaamiyaasha ciyaalka weerada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -