Maxkamada Schweinfurt oo la soo taagay haweeney Soomaali ah oo ilmaheeda dishay

Waxaa shalay Maxkamadda Landgericht Schweinfurt ee dalka Jarmalka la soo taagay hooyo Soomaaliyeed oo 28 sano jir ah taasoo lagu eeedeeyey 3 bil kahor ilmo yar oo 3 bilood jir ah oo ay dhashay kaam magaalada Schweinfurt ku yaalla ku dhex dishay.

Hooyadan oo aan magaceeda la shaacin waxay Maxkamada u sheegtay in aabaha ilmaha dhalay aysan caawin ka helin, balse uu garaacay, sidoo kalena ku tilmaamay, dadka dhanna u sheegay inay waalan tahay ama madaxa looga jiro.

Waxay sheegtay inay rajo la’aan noqotay, qof caawiyo weysay, sidaa daraadeedna ay ilmo naas nuug ah oo ay dhashay nafta uga qaaday.

Aabaha ilmaha dhintay dhalay oo maxkamadda joogay oo ilmeynaya ayaa isna maxkamada ka hor qirtay inay sax tahay inuu garaacay, balse xaqiiqada jirto ay tahay in gabadha madaxa looga jiro, xataa dalka Giriigga oo ay soo martay laba qof iyo ayada nafsadeedaba ku soo dhaawacday.

Wuxuu xataa intaas ku daray inuu jecel yahay xaaskiisa, sidoo kalena uu iska cafiyay.

“Waxaad halis ugu jirtaa in xabsi daa’in ah lagugu xukumo” sidaas waxaa tiri Claudia Guba oo garsoore ka aheyd maxkamadda, iyadoo markaasi la hadleyso hooyada ilmaha dishay.

Kiiska maxkamadda mar kale ayaa la isku soo laaban doonaa, waxaana la filayaa in Khamiistan soo socota uu xukunka dhaco.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -