Damaca Mucaaradka Dowladda uu Hogaamiyo Farmaajo Iyo Saameyntiisa! 

Sida na isoo gaaraysa, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu toddobaadkan gudihiisa soo gaaro caasimadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Xassan Sheekh ayaa tan iyo markii looga adkaaday doorashadii madaxtinimada ee qabsoontay Feberaayo, 2017-ka waxa uu ku noolaa dalalka Turkiga iyo Tanzaaniya uu degan yahay.

Hase ahaatee, waxaa uu u muuqdaa mid hadda u soo jeestay olole siyaasadeed in uu billaabo iyada oo hore loo shaaciyey in uu hoggaaminayo kutlooyin ka dhisan golaha shacabka dhexdiisa, kuwaasoo aan ku qanacsanayn habka xukuumadda u waddo howlaha dowladda.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa doonaya inuu madaxweynihii kursiga kaga horreeyay Xasan Sheekh ka dhigto la taliye sare arrinkaa waxaa gadaal ka riixeysa dawlada Turkiga, sida laga soo xigtay xubno ka ag dhow xafiiska madaxweynaha ee Villa Somalia iyo dhinacyo kale.

Waxaa wax adag ah in waqti laba sano iyo dhowrka bilood ee u hartey waqtiga uu haysto madaxweyne Farmaajo inuu saxo khaladaadkii siyaasadeed ee ka dhacay, waxay u badan tahay in Xasan Sheekh uu Farmaajo u soo jeedin doono in uu awood qeybsi siyaasadeed ay ku wada heshiiyaan si mucaaradka xooggan ee saaran madaxtooyada uu u yaraado, balse haddii ay taas dhacdo maxaa imaan kara?

Fallanqeyntaydani gaaban ayaa ku dul istaagi doonaa xaaladda siyaasadeed ee waqtigaan la joogo qaabka ugu fudud ee lagu saxi karayo qaladaadkii siyaasadeed ee dhacay, sida la wada malaysan karo oo ah in Mucaaradku awood qeybsiga ay doonayaan ay tahay inay helaan kursiga Raysal wasaaraha si culeyska Madaxweyne Farmaajo uu yaraado, waxaana muuqanaysa in waqtiga dhiman iyo howlaha dowladda horyaalla aysan suuragalin karin in la beddalo Raysal wasaare Xasan Kheyre.

Marka sidaas aan leeyahay maahan, in xukuumadda aan la dhacsanahay sida ay wax u waddo ama taageere u ahay, haseyeeshee hadba shaqada iyo dadaalka loogu jiro in dalka la gaarsiiyo dowladnimo rasmiya ayaa u baahan fahan siyaasadeed, mid awoodeed iyo sidoo kale wada shaqeeyn wadajir ku dhisan.

Haddii Farmaajo aqbalo in mucaaradka uu ku qanciyo in uu siiyo kursiga wasiirka koobaad ee xukuumadda, waxaa ka dhalan kara dhowr caqabadood oo aan ka xusi karo:

1-Hakad ku yimaada dib u eegista dastuurka KMG ee dalka u degsan, kaa oo howshiisu iminka ay socoto.

2-In dib ay u dhacdo doorashada 2020-ka ee Soomaaliya.

3-In qalalaase siyaasadeed ay ka curtaan dowlad goboleedyada dhowaan galaya doorashooyinka sida Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

4-Isla socodka iyo wada shaqeyntii dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah oo meesha ka baxda, inkastoo haddaba xiriirkooda shaqo yahay mid mugdi ku jira.

5-Qorshihii amniga qaranka oo dib u dhac uu ku yimaado, taasoo keeni karta in weerarrada amni darro ay ku kordhaan Muqdisho iyo magaalooyinka dowlad goboleedyada.

6-Saameyn aan yareyn oo guud ahaan Soomaaliya uga imaan karta isbedallada gobolka, Itoobiya, Kenya iyo Eretria.

7-In taageerada caalamka ay meesha ka baxdo maadaama, howlihii la doonayay in horay loo socodsiiyo ay hakadeen.

8-Dhaawacyo siyaasadeed, burbur amni iyo kuwa kale oo soo gaara Soomaaliya.

9-In dhallinyarada waxbaratay iyo kuwa hadda dugsiyada ku jira looga faa’iideysto colaado dhici kara.

10-Rajadii Shacabka Soomaaliyeed ay ka qabeen helidda dowladnimo taam ah oo naxuusta iyo sicirka maciishadda oo isbeddal aan wanaagsanayn uu ku yimaado.

Si mushkiladahaas aan kor ku soo sheegay looga badbaado, Madaxweyne Maxamed Farmaajo waxaa la gudboon in siyaabo kale uu ku qanciyo qolyaha mucaaradka, islamarkaana uu ka dhaadhiciyo in ay kala shaqeeyaan in dalka dowladdiisu ay gaarsiiso doorasho cod iyo qof ah waa haddii madaxtooyada ay dhab ka tahay arrintaas.

Waxaa kale oo xusid mudan, in shaqada xukuumadda ay meesha ka bixi karto sida tii gollaha shacabka oo u dambeeysay markii guddoomiye Jawaari la beddalay!

Gunaanad:

Siyaasiyiinta Soomaalida ee isdiidan iyo kuwa shirkada ku ah siyaasadda waxaa la gudboon in dalku maanta meesha uu yaallo ay uga saaraan marxalad wanaagsan taasoo shacabkani la soo daalaadhacayay dhibaatooyinka faraha badan uu u dareemo yididiilo galin karta hami ay ku hiigsan karaan nolol sare.

Waxaa qoray: Danjire Maxamed Maxamuud Caalim, waa Fallanqeeye arrimaha Soomaaliya, Diblumaasi hore iyo Aqoonyahan Soomaaliyeed oo deggan wadanka Finland.

Tel: +358458712195

Email: Caalim68@hotmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -