Hal Milyan oo Muslimiin ah oo ku xir xiran Mid kamid ah Wadamada Caalamka

Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan xaquuqda bini’aadamka ayaa sheegtay in dalka Shiinaha siyaabo qaldan ugu xiran yihiin dad gaaraya Hal Milyan qof oo katirsan Muslimiinta dalka Shiinaha.

Muslimiintan ku xiran dalka Shiinaha ayaa kasoo jeeda qowmiyadda muslimiinta ah ee Uighurs, waxaana dadkan ku xir xiran yihiin goobaha dowlada ugu tala gashay la dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada.

Mr McDougall oo xubin ka ah guddiga hay’adda Qaramada Midoobay ayaa ka sheegay shir looga hadlayay arimaha xaquuqda aadanaha Shiinaha in Muslimiinta hal Milyan gaaraya  ku xiran yihiin dalka Shiinaha.

Muslimiintan u dhalatay Shiinaha ayaa la sheegay in ay ku xir xiran yihiin xerooyin waa weyn oo lagu ciqaabo, laguna qasbo in ay ku dhaartaan in ay daacad u yihiin madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinpin.

Dadka kasoo jeeda Qowmiyada Muslimiinta Shiinaha ayaa qaarkood xabsiyada ku jira iyada oon wax maxkamad ah lasoo taagin, waxaana dadkan lagu qasbaa in ay qaataan mabaadii’da shuuciyadda .

Qoowmiyad muslimiinta Shiinaha ayaa kunool gobolka Xinjian ee dalka Shiinaha, halkaas oo dadka ku nool ay ka yihiin 45%, gobolkana waxa uu leeyahay is maamul goboleed sida kan Tibet oo kale ah.

Dowlada Shiinaha ayaa marar badan beenisay eedeemaha loo jeediyo ee dhinaca Xaquuqda aadanaha, waxa ayna dowlada Shiinaha ku doodeysaa in ay la dagaalameyso xagjirnimada iyo waxa loogu yeero argagaxisada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -