Ra’isul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa maanta lagu wadaa in ay u ambo baxaan magaalada Naiarobi ee caasimada dalka Kenya.
Safarkan ayaa imaanaya kadib markii Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble lasoo gaarsiiyay casuumad rasmi ah uu u fidiyay Madaxweynaha dowlada Kenya Uhuru Kenyatta.
Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimow, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in safarka uu Rooble ku tagayo dalka Kenya la xiriirto hagaajinta xirirka u dhaxeeya labada dal oo mudooyinkii dambe xumaa.
Waxa uu sheegay Afhayeenka Xukuumada in Ra’isdul Wasaare Rooble iyo Uhuru Kenyatta la filayo in ay ka heshiiyaan sidii loo soo celin lahaa xiriirka labada dal u dhaxeeyay ee xumaaday iyo in labada dhinac kawada hadlaan danaha ka dhaxeeya.
Safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa imaanaya xili qoraal uu soo saaray Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Farmaajo ku shaaciyay in Xukuumada iyo hay’adaha kale ee dowlada aysan wax heshiis ah gelin karin ilaa doorashada ka dhamaato.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com