Allbanaadir.com
NEWS

DF oo si kulul uga hadashay qaraxii lagu dilay G/lle Max’ed Dheere & saraakiil kale

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka tacsiyeeyay Geerida Allaha u naxariistee G/le Maxamed Nuur Sheegow (Mad Dheere), Taliyahii Guutada 8-aad, Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saraakiisha kula shahiiday qaraxa miino oo ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Aw-diinle iyo Berdaale ee Koonfur Galbeed, xili ay ku jireen gudashada waajibaadkooda Qaran.

“Qoyska, ehelada, Ciidanka Xoogga Dalka iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaan uga tacsiyeynaynaa Geerida shahiid Maxamed Nuur Sheegow, Taliyahii Guutada 8-aad, Qeybta 60-aad iyo saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee inaga shahiiday, waxaana Alle uga baryeynaa inuu Janadii Firdowso ka waraabiyo inta dhaawaca ahna uu alle caafiyo,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS.

“Allaha u naxariistee Taliyahii Guutada 8-aad, Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/le Maxamed Nuur Sheegow iyo saraakiisha kale ee la socotay iyo guud ahaan naftood hurayaasha CXDS ee horay inooga Shahiiday waxa ay naftooda u hureen in Dalka, Dadka iyo Diinteenna suuban ay ka badbaadiyaan Cadowga Khawaarijta ah” ayuu intaas ku daray Wasiirka.

Qaraxa lagu dilay Masuuliyiinta iyo saraakiisha la socotay ayaa waxaa masuuliyadiisa sheegtay kooxda Al-Shabaab oo dagaal kula jirta ciidamada dowlada iyo kuwa shisheeye ee taageeraya.

Related posts

Somaliland oo shaacisay in weerar maanta kusoo qaadeen Ciidamo katirsan Puntland

Cabdi Cade

Qaybta 2 aad :-Qisadii cajiibka aheyd ee Nebi Ibraahim CS iyo qoomkii loo diray

admin

(Sawirro) Masuul si weyn ula soo shaqeeyey Ex-Raisul Wasaare Khayre oo xilka Wareejiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---