Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo beenisay sii daynta dhaqaatiir ajnabi ah oo u afduuban Al-shabaab

Dowlada Somalia ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay warar sheegaya in Al-Shabaab ay sii deysay dhakhaatiir u dhashay waddanka Cuba, oo muddo u afduubnaa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa xaqiijiyay in dowladda federaalku ay waddo dadaallo dadka afduuban lagu sii deynayo, laakiin ilaa hadda aysan xukuumadda uu ka tirsan yahay waxba ka ogeyn sii deynta dhakhaatiirta reer Cuba.

“Mas’uuliyiinta Soomaaliya ma sheegin warkaas, mana aha war dowladda Soomaaliya ka baxay. Nimankaas waxaa afduubay Al-Shabaab, haddii lasii daayayna Al-Shabaab baa og. Annagu dadaallo ayaan wadnay, wayna socdaan, dowladda Cuba-na waan kala xiriirnaa, laakiin warkaas meelaha la marinayo ma aha war dowladda Soomaaliya ay sii deysay,” ayuu yiri wasiirka.

Qaar ka mid ah warbaahinta caalamiga ah ayaa shaaciyay warka ku saabsan Al-Shabaab ay sii deysay labo dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba kuwaasoo ay sanadkii hore ka afduubteen magaalada Mandera, gobolka Waqooyi-bari Kenya.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AP, dhaqaatiirta ayaa la sii daayay dhammaadkii toddobaadkii hore, kaddib bilooyin wada xaajood lagula jiray kooxda.

Dhaqaatiirtan oo lagu kala magacaabo Landy Rodriguez iyo Herera Correa ayaa afduub loo heystay muddo sanad iyo bar ah.

Sidoo kale dowladda Cuba ayaa beenisay in la sii daayey dhaqaatiirtan ka war qoraal ah oo ay ka soo saartay magaalada Havana.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

(Sawirro) Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha aqoonsiga ka gudoomaiy Safiiro cusub

Caydiid Ali

Suuq Casri ah oo laga dhisayo Degmada Dayniile oo la dhagax dhigay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Turkiga oo Amray in lasoo xiro Xag-jirka weyn Rasmus Paludan iyo 8-qof oo kale

Cabdi Cade
Taboola Ads ---