Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir katirsanaa Xukuumadda Soomaaliya oo is casilay kana hadlay Sababta (Akhriso)

Waxaa goordhaw xilka iska casilay wasiiru dowlihii wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cali Cumar Caananuug oo xilkan hayay in ka yar sannad.

Qoraal uu soo saaray wasiirka ayuu ku shaaciyay in xilka iska casilay, kaddib markii uu u dulqaadan waayay ku takrifal awoodeed ay wado wasiirka wasaaradda, sidoo kale wax laga qaban waayay cabashooyin badan.

“Ugu hareyn mahad oo dhan waxay usugnaatay Allaah SWT, marka xigtana waxaan u mahadnaqaa dhamaan shaqaalihii iyo saaxibadii ila shaqeeyay muddadii aan xafiiska joogay.Walaalayaal damiirkeygu wuxuu isiin waayay inaan ka sii tirsanaado Xafiis lagu dulminaayo muwaadiniin Soomaaliyeed, laguna fool xumeynaya Adeegga iyo kalsoonida ay umadda Soomaaliyeed ku qabtay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Caananuug.

Wasiirkan iscasilay oo kasoo jeeda deegaannada Jubbaland ayaa horey ugu soo tartamay xilka guddoomiye kuxigeenka koobaad ee golaha shacabka , waxaana si dirqi ah uga guuleesatay xildhibaan Sacdiyi Samatar.

Akhriso Warqada is casilaada wasiirka.

Related posts

DF oo laga dalbaday iney wax ka qabato hay’adaha ajnabiga ah ee ku lug leh..

Caydiid Ali

Saciid Ciise: “Madaxweynaha & Raisul Wasaaraha dalka waxaa horyaal xujooyin adag”

Caydiid Ali

Dil qorsheysan oo ka dhacay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---