DF oo laga dalbaday iney wax ka qabato hay’adaha ajnabiga ah ee ku lug leh..

Shir ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Culimada, Qeybaha Bulshada iyo Hay’adaha Dowladda ayaa lagu falanqeeyay xaaladaha la xariira anshax xumada isa soo taraysa iyo mukhadaraat ama Maandooriyaha dalka ugu sii fidaya si xowli ah.

Guddoomiyaha hay’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa warbaahinta u akhriyey Bayaan kasoo baxay hay’adda kadib kulan looga hadlayey ka hortagga falalka dhaqan xumada ah iyo muqaadaraadka oo maanta muqdisho lagu qabtay.

War-urtiyeed

Shir ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotel Dayax, maanta oo ay taariikhdu tahay 2/Safar/ 1442, kuna beegan 20/Sep/2020, ayna soo abaabuleen culumada Soomaaliyeed, ayna ka soo qayb galeen qaybaha bulshada, sida: Odayaasha Dhaqanka, Haweenka , Dhallinyarada, Ganacsatada, Aqoon yahanka iyo Saxaafadda, sidoo kale ay ka soo qayb galeen hay’adaha dowladda qaar ka mid ah, sida Wasaaradda Cadaaladda, Wasaaradda Warfaafinta, Wasaaradda Awqaafta, Booliiska soomaaliyeed, shirkaas oo lagu falanqeeyay xaaladaha la xariira anshax xumada isa soo taraysa iyo mukhadaraat ama Maandooriyaha dalka ugu sii fidaya si xowli ah.

Shirka waxaa ka hadlay masuuliyiin matalaya dhammaan qaybaha ka soo qayb galay, waxaana la is dhaafsaday xog ku saabsan mowduuca la isugu yimid ka dibna waxaa la soo jeediyay talooyin wax ku ool ah oo wax looga qaban karo, waxana ka mid ah:-

In ilaalinta anshaxa iyo la dagaalanka mukhadaraadka la siiyo mudnaanta koowaad, sida ay diintu na farayso masuuliyaduna

In hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh ilaalinta Anshaxa guud ee Bulshada iyo wacyi galinta Ummadda ay iska kaashadaan sidii ay u yeelan lahaayeen qorshe midaysan oo la xariirta.

In qaybaha kala gadisan ee shacabka iyo hay’adaha dowladdu iska kaashadaan la dagaalanka anshax xumada iyo mukhadaraadka, culumadana loo fududeeyo dacwadda iyo wacyigelinta.

In dalka laga hirgeliyo Hay’adda Wanaag faridda iyo Xumaan reebidda, loona magacaabo guddigii diyaarin lahaa.

In si deg deg ah la dajiyo lana ansixiyo sharciga la dagaalanka mukhaadiraadka.

In la dhiso gole culumo oo dastuuri ah oo hubiya is waafaqsanaanta xeerarka la soo saarayo iyo shareecada islaamka sida dastuurku qabo.

In wax laga qabto hay’adaha ajnabiga ah ee ku lug leh anshax xumada iyo mukhaadiraadka.

In la qabto shirweyne qaran oo ku saabsan la dagaalanka anshax xumada iyo mukhaadaraadka.

In laga hortago oo la joojiyo wax kasta oo dhiirigalinaya anshax xumada iyo fuxshiga, sida is dhexgalka qaabka daran, iyo meelaha lagu  tunto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -