Muxuu yahay dhismaha cusub ee uu xarigga ka jaray Madaxweyne Qoorqoor? (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlada Galmudug Mudane Axmed Cabdi kaariye ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Dowladda Galmudug.

Madaxweynaha waxaa xarigg jarka ku wehliyay xubo ka mid ah Golaayasha Dowladda Galmudug, Gudoomiyaha Gobalka Galgaduud, iyo masuuliyiin kale.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa bogaadiyay Wasaarada Beeraha iyo Waraabka dowladda Galmudug oo kasoo dhalaashay howshii loo igmaday.

Ugu danbeyn Madaxweynaha ayaa ku amaanay  howlwadeenada mashuurca biyoole howsha baaxada leh oo ay ka qabten dib u dhiska wasaaradda iyo kaabayaasha kala duwan ee Dowladda Galmudug.

- Advertisement -