Dowlada Soomaaliya oo si adag u beenisay war kasoo baxay Dowlada Kenya

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa beenisay war kasoo baxay dowlada Kenya oo ahaa in ay la ogeesiiyay ayna raali ka aheyd dowlada wafdigii Kenya u dirtay caleemo saarkii Madaxweynaha Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi (Maareeye) oo la hadlay Idaacada BBC-da ayaa beeniyay warkii kasoo yeeray Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, Macharia Kamau oo ahaa in wafdiga Kenya ogolaansho ku tageen Kismaayo.

Waxa uu sheegay Wasiir Maareeye in aysan jirin ogolaansho Dowlada Soomaaliya ay ka heesteen wafdigii Dowlada Kenya ka socday ee magaalada Kismaayo u tagay munaasabada caleemo saarka Sheekh Axmed Madoobe.

“Warka uu sheegay agaasimaha guud meelo badan ayuu taabanayaa, laakiin qodobka ah diyaarad iyo madaxda Kenya ka tirsan kuma xadgudbin Soomaaliya waa war aan waxba ka jirin”. ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in wafdiga Kenya iyo diyaaradii ay la socdeenba ay jabisay go’aankii dowlada ee ku aadanaa diyaaradaha Kenya ka imaanaya ee ku wajahan Kismaayo in ay soo maraan magaalada Muqdisho.

“Waa la ogyahay in dowladda Soomaaliya ay warqad soo saartay oo ay tiri diyaarad kasta oo Kenya ka imaaneysa ceddii doonta ha saarnaatee, waa in ay soo martaa Muqdisho, taas ayay wafdiga iyo diyaaradda tagtay Kismaayo ay jebiyeen,” ayuu yiri Maareeye.

Hadalkan kasoo yeeray dowlada federaalka Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili dowlada Kenya sheegtay in aysan ku xadgudbin hawada Soomaaliya sidoo kale ogolaansho Kismaayo ku tageen wafdigii Kenyanka ahaa ee ka qeyb galay Caleemo saarkii Kismaayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -