Magacaabis uu sameeyey Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo laga hor yimid

Taliyaha ciidanka Haramcad Taliye Fanah ayaa ku dhaawacmay weerarka hadda ka socda degmada C/ Caziiz balse arinta yaabka leh ayaa ah in taliyahan da’da yar uu diiday in Isbitaal loo qaado inta cadowga Shabaab ay guriga ku jiraan.

Isagoo dhaawacan ayuu hadda jiif cabaynayaa qoriga Ak47 si uu u badbaadiyo dadka go’doonsan.

Madaxweyne Ku-xigeenka  Dowladda Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in Jubbaland ay u aqoonsan tahay Cismaan Nuux Xaaji Macalimuu inuu yahay Masuulka Jubbaland u qaabilsan gobolka Gedo.

Waxaa uu sheegay Macalimu dib loogu soo celiyay xilkiisi hore ee ahaa Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Gedo ahna sii hayaha xilka gudoomiyaha gobolkaas.

Macallimu waxaa xilka laga qaaday bishii January 2021, wuxuuna ahaa ninka ugu magaca dheer maamulkii Gedo ka jiray sanadkii 2020, xilligaas oo ciidamada Federaalka iyo kuwa maamulka Jubaland ay dhowr jeer ku dagaallameen magaalada istaraatiijigga ah ee Beled Xaawo.

Hase ahaatee waxaa arrintaas ka soo horjeestay Axmed Buule Gareed oo ah Guddoomiyaha garab ka mid ah Jubbaland u qaabilsan gobolka Gedo, isagoo xusay in Maxamuud Sayid Aadan aaney iyagu aqoonsaneyn, masulka uu magacaabayna uusan ka shaqeyn karin gobolka Gedo.

“Jubbaland waxay u qeybsan tahay labo garab, haatana waxaa socda dedaal la iskugu keenayo inta taas laga gaarayo anagu maba aqoonsanin ragga Kismaayo fadhiya iyo wax ay soo magacaabeen toona” ayuu yiri  Axmed Buule Gareed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -