Al-Shabaab oo la sheegay iney 14 xubnood iska laayeen ka dib dagaal dhexmaray

Taliyaha Ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in dagaal ku dhexmaray Al-shabaab agagaarka degmada Xarardheere ay isaga dileen 14 xubnood, iskana dhaawaceen tiro intaasi ka badan.

“Khawaarijtu degaan u dhaw Xarardheere ayay shalay ku dagaalameen, iyagoo iska dilay 14 ruux iskana dhaawacay tiro intaas ka badan ka dib markii uu khilaaf soo kala dhex galay” ayuu yiri Generaal Biixi

Taliyaha ayaa hadalkan sheegay xili uu warbixin siinayay wafdi heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah oo saaka gaaray degmada Xarardheere ayaa intaasi ku daray inay ka go’an tahay inay horay uga sii socdaan hadba meesha ay xoreeyaan, dowladda dhexena looga baahan yahay inay keento Ciidan xasilin ah iyo adeegyadii bulshada.

Generaal Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in al- shabaab ay niyad jabeen dagaalkana aysan sii wadi karin, wuxuuna xusay in dhowaan la soo afjari doono kooxo yar yar oo uu xusay iney yihiin haraadigii kooxdaas oo weli jooga meelo ka mid ah gobolada dhexe.

- Advertisement -