Allbanaadir.com
NEWS

Gurmadyo xoogan oo kala gaaraya Ciidamada ku dagaalamaya Tukaraq

Gurmadyo xoogan oo ka kala tagaya magaalooyin kala duwan ayaa gaaraya jiidaha hore ee Dagaalka deegaanka Tukaraq ay ku dagaalamayaan Ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland.

Ciidamada labada maamul ayaa saacadihii lasoo dhaafay dagaalo xoogan waxa uu ku dhax mareen deegaanka Tukaraq , waxaana wali jirta cabsi laga qabo in mar kale dagaalka dib u qarxo.

Sida aan Wararka ku heleyno ciidamo aad u badan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa gaaray deegaanka Tukaraq ,waxaa sidoo kale aagaasi gaaray dad sahay kala duwan u wada ciidamada dagaalamaya.

Dagaalkii shalay ilaa xalay ka socday deegaanka Tukaraq waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaa sidoo kale labada ciidan kala qabsadeen gaadiid dagaal.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay labada maamul in si deg deg ah u joojiyaan dagaalka, mana muuqato hada dadaalo badan oo lagu joojinayo dagaalka u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cabasho ka taagan qaladaad ku jira natiijada Imtixaanka shahaadiga ah

Caydiid Ali

Ciidamada Danab iyo Gorgor oo la wareegay Deegaan katirsan gobolka Galgaduud (Sawirro)

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Odayaashii lagu xirxiray Cadaado oo loo gudbiyey Saldhiga Dhuusamareeb

Caydiid Ali