Madaxweyne Deni oo dowlada Somalia ku eedeeyey iney dagaal hurinayso

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni, ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaaliya inay ku lug leedahay falal sababi kara dagaal ka dhaca gudaha Somaliland.

Waxaa uu sidoo kale ku eedeeyay DF inay cadaadis ku saareyso Somaliland qorshayaal ay rabto inay wax kaga baddelato, kuwaasoo aan u wanaagsanayn deganaashaha dalka

”Waxaan maqleynaa iney xukuumadda waxyaabo badan si hoose u waddo, oo ah waxyaabo weliba sababi kara iney dagaallo dhacaan, waxaa ka mid ah iney u gacan dhaafto Maamulka Somaliland oo ay qabaa’ilka toos ula xiriirto ayna dadka ka horkeeneyso Maamulka”, ayuu yiri Deni.

Waxa uu sheegay in Puntland ay soo dhaweyneysa heshiis laga gaara qaddiyadda Somaliland, balse waxa uu sheegay in dowladda federaalka ay wadato qorshe aan la isku raacsanayn oo ay rabto inay Somaliland wax kaga bedelato kuwaasoo wada noolaanshaha aan u wanaagsaneyn.

“Ma rabno inaan qaadano doorka ay leedahay dowladda Federaalka laakin waxaan diyaar u nahay inaan qeyb ka ahaano inkastoo aysan jirin wax talo ah oo nala weydiiyay balse haddii taladeena loo baahdo doorkeena waan qaadanaynaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Deni.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -