Wasaaradda Amniga oo si adag u Beenisay War lagu baahiyay Baraha bulshada

Wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku shaacisay in dib u habeyn ku socota barnaamijka dhaqan celinta xubnaha ka soo laabta fekerka kooxda Al Shabaab.

War saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in si khaldan loo tabiyay barnaamijka dhaqan celinta , waxa ayna wasaaradu sheegtay in dib u eegis ku sameesay batnaamijkeedii hore ee shaqada.

Wasaaradda amniga ayaa sidoo kale xaqiijisay in hakad ku yimid dhaqaale ay ku kaalmeen jireen barnaamijkan dhaqan celinta xubnaha soo goostay qaar kamid ah waddamada caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -