Magaalada Cerro de Pasco oo laga guurayo iyo sababta ka dambeysa (Daawo Sawirro)

Walaac Xoogan ayaa laga muujinayaa xaaladda caafimaad ee ay ku sugan yihiin dadka ku nool magaalada Cerro de Pasco ee bartamaha dalka Peru.

Magaaladaan oo ka mid ah magaalooyinka ugu dhulka sarreeya ee adduunka ayaa waxaa la ogyahay in ay hawadeeda aad u wasakheysantahay ayna ku badanyihiin maadooyinka kala duwan ee macdanta.

Dadka deegaanka ayaa ka cabanaya dhibaatada ay ku qabaan magaaladooda iyagoo sheegay in carruurtooda ay la il daranyihiin cudurro fara badan.

Heerarka macdanta biraha ee ku jira carrada iyo biyaha ayaa u sarreeya si xad dhaaf ah, waxaana xaalada uga sii daray godadka laga qodo macdanta ee dowladu halkaas ka hirgelisay.

Haweeney lagu magacaabo Irma Estrella ayaa sheegtay in wiilkeeda yar uu lugaha ka curyaamay iyadoo sababna uga dhigtay ciidda ku sumowday macdanta badan ee magaalada.

Sidoo kale Marcos Castaneda ayaa sheegay in gabadhiisa oo 11 jir ah uu ku dhacay cudur ay garan waayeen in muddo ah oo ay ka qaadday hawada aan nadiifka ahayn.

Dowladda Peru ayaa saddex jeer oo kala waqti duwan ku dhawaaqday in xaalad caafimaad oo deg deg ah ay ka jirto gobolkaas, hase ahaatee ma aysan qiranin in sababta ay tahay howlaha macdan qodista ah ee ay isla dowladda ka sameyso halkaas.

Sannadkii 2008-di ayuu aqalka Congress-ka ee dalka Peru meel mariyay sharci loogu amrayo dowladda in ay dadka ka rarto magaaladaas ayna dib u dejin u sameyso, taasoo la filayo iney dhaqan gasho inkastoo waqti badan la sugayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -