António Guterres ka hadlay xilka ka qaadistii Khayre iyo arrimaha doorashooyina Somalia

Xoghayaha guud ee QM António Guterres ayaa ka hadlay xil ka qaadistii uu golaha shacabka Soomaaliya ku sameeyey ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo arrimaha doorashooyinka dalka.

Guterres ayaa warbixinta QM ee xaaladda Soomaaliya oo laga jeediyey golaha amaanka ku sheegay in xil ka qaadista deg dega aheyd ee RW hore Kheyre ay aheyd mid lagu fududaaday oo dhaawici karto heshiisyadii lagu gaaray shirkii Dhuusamareeb.

“In la dhowro heshiisyadii ay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ku gaareen Dhuusamareeb Waa muhiim, iyo waqtiga kulamada xiga ee lagu ballamay,” ayuu yiri Guterres oo intaas ku daray in xilka ka qaadista Khayre ay aheyd mid dib u dhac ku keeni karta horumarada dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha ee ay ku talaabsatay xukuumada.

António Guterres ayaa xusay inay muhiim tahay in doorashooyinka Soomaaliya ay noqdaan kuwa ay heshiis ku wada yihiin, dowladda dhexe, dowlad goboleedyada, baarlamanka, xisbiyada siyaasadda iyo dhammaan saamileyda siyaasadda dalka.

“Hogaamiyayaasha federaalka iyo kuwa gobollada waxaa dhammaantood ay mas’uuliyad ka saaran tahay inay dalka isku hayaan, kuna hagaan isu-tanaasul siyaasadeed,” ayuu yiri xoghayaha guud ee QM oo ugu dambeyn ku baaqay in heshiis deg deg ah la gaaro si doorashooyinka baarlamanka ay ugu dhacaan waqtigooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -