Amaro cusub oo lagu soo rogay gaadiidka xamuulka ka soo qaada dekeda Muqdisho

Ka dib markii si rasmi ah xalay loo furay in Dekadda Magaaladda Muqdisho markii ugu horreysay burburkii kadib ay si toos ah u shaqeyso Habeen iyo Maalin (24 Saac), ayaa maanta Taliska Ciidanka Booliska, wuxuu soo saaray amaro ku socda Ganacsatada iyo gaadiidleyda Isticmaasha Dekadda.

Dekadda Magaaladda Muqdisho, ayaa maanta waxaa kulan ku yeeshay Guddi ay ku mideysan yihiin Ganacsatada iyo Gaadiidleyda Soomaaliyeed iyo Taliyaha Hoggaanka Canshuuraha ee Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo uu wehliyaan Taliyaha Hoggaanka Ilaalada Nabad gelyada wadooyinka, Taliyaha Saldhiga Booliska Dekadda iyo Saraakiil kale.

Kulankaasi, ayaa waxaa si aad ah looga hadlay siddii loo joojin lahaa Gaadiidka sida xad dhaafka loo raro ee ka baxa Dekadda Muqdisho oo dhibaato aad u weyn ay ka dhalato, kuwaasoo mararka qaar ku Rogmada Wadooyinka Muqdisho, islamarkaana ay ka dhashaan Qasaaro isugu jira Naf iyo Maal.

Taliyaha Hoggaanka Canshuuraha ee Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa sheegay in laga joojiyey dekadda Muqdisho gaadiid rarkiisu Xad dhaaf yahay,  in Gaari Waqtigiisa dhamaaday Dekadda uu ka qaado Badeeco.

“Laga Bilaabo maanta waxaa la joojiyey in Dekadda uu ka baxo Gaadiid rarkiisa uu xad dhaaf yahay, Gaari Waqtigiisa uu dhammaaday iyo in wadooyinka siddii loogu talo galay loo maro,  Ganacsatada waxay naga codsadeen in Gaariga markuu ka baxo Dekadda ilaa iyo uu ka tagayo goobtii loogu talo in amnigiisa la sugo, waana ka aqbalnay” ayuu yiri Gen. Bariise.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -