Allbanaadir.com
NEWS

Trump oo qarka u saaran in laga reebo doorashada Mareykanka ee sanadkan

Maxkamada sare ee Mareykanka ayaa sheegtay inay dhageysan doonto dacwad taariikhi ah oo lagu go’aamin doono in Donald Trump uu u tartami karo madaxtinimada dalka Mareykanka iyo in kale.

Garsoorayaasha ayaa isku raacay in la qaado racfaanka Mr Trump ee ka dhanka ah go’aanka Colorado ee looga saarayo doorashada 2024 ee gobolkaas.

 

Kiiska ayaa la dhageysan doonaa bisha Febraayo, waxaana xukunka uu ka dhaqan geli doonaa dalka oo dhan.

Caqabadaha dhanka sharciga ah waxay ku xiran yihiin in wax ka beddelka dastuurka ee xilligii dagaalladii sokeeye uu Mr Trump ka dhigayo mid aan u qalmin inuu isu soo sharaxo.

Dacwooyin ka socda gobolo badan ayaa doonaya in Trump loo diido doorashada, iyaga oo ku andacoonaya in uu ku lug lahaa kacdoonno rabshado ka dhacay dhismaha dawladda ee Capitol saddex sano ka hor.

Related posts

Wiil Soomaaliyeed oo arragga naafo ka ah kuna hadli kara seddex luqadood!

Cabdi Cade

Midowga Yurub oo iska difaaci doona Xayiraada Maraykanka ku hanjabay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Shir u soo xirmay DF iyo dowlad Goboleedyada & War Murtiyeed ka soo baxay (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---