Sheekh Aadan Sunne iyo qaar kamid ah Xertiisa oo Xukuno kala duwan lagu riday

Maxkamad kutaala magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa maanta xukun ku riday Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne) oo kamid ahaa Culimada caanka ka ah deegaanada Somaliland.

Ciidamada amaanka maamulka Somaliland ayaa sanadkii hore xabsiga dhigay Sheekh Aadan Suune iyo qaar kamid ah xertiisa, waxaana lagu eedeeyay in ay qal qal galiyeen amaanka iyo sidoo kale kicin dadweyne wadeen.

Maxkamada Hargeysa ayaa maanta Sheekh Aadan Sunne ku xukuntay shan sano oo xabsi ah, waxaa sidoo kale dhalinyaro xertiisa kamid ah oo la xirnaa iyana lagu xukumay xabsiyo u dhaxeeya hal sano ilaa 9-sano.

Sheekh Aadan Sunne oo ah wadaad mayal adag oon la ganban afkaartiisa ayaa marar badan lagu xiray deegaanada Somaliland, waxa uuna maamulka Hargeysa wadaadkan ku eedeeyeen in amaanka Somaliland halis ku ahaa.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -