Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo Shaacisay in 50-Dagaalyahan ay ku jiraan Saraakiil lagu dilay Deegaanka Afcad

War saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in ka badan 50 dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab lagu dilay howlgal qorshaysan oo ciidanka xoogga, kuwa Nabad Sugidda oo gacan ka helaya kuwa caalami ah ka fuliyeen gobolka Hiiraan.

Howlgalkan oo socday saacado badan oo xiriir ah ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Afcad ee gobalka Hiiraan, waxa ayna dowladda sheegtay in howlgalkan guul kusoo dhammaaday jab xooggana lagu gaarsiiyay Al Shabaab.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in howlgaladii ugu dambeeyay ee laga fuliyay Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubbaland  lagu laayay in ka badan 300 xubnood oo katirsan Al Shabaab  oo ay ku jiraan horjoogayaal ay ka mid yihiin:-

1. Yuusuf Cali Sheekh Horjoogihii Deegaanka Fiidow, Waxaa lagu dilay Iji.

2. Salaad Maxamuud Siyaad oo Magaciisa Afgarashada uu ahaa Amiin Owbaanle Horjoogihii waxa ay ugu yeeraan Sakawaadka ee Gobalka Shabeellaha Dhexe, Waxaa lagu dilay Iji.

3. Cabdixakiin Nuur Guuleed Dabaashe Horjooge koox ay ugu yeeraan Jamhadda, Waxaa lagu dilay Iji.

4. Maxamed Indhofiiq Horjoogihii watay maleeshiyadii lagu laayay Afcad, Waxaa lagu dilay Afcad.

Waxaa kale oo howlgallada lagu qabtay maleeshiyaad isugu jira kuwa dhaawacyo ah iyo kuwa bad qaba oo uu ku jiro Horjoogihii Caafimaadka iyo Qaraxyada ee gobalka Mudug Salmaan Daahir oo lagu qabtay gobalka Mudug, sidoo kale waxaa isku soo dhiibay ciidanka Qaranka maleeshiyaad ka soo baxay goobo kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Khayre oo ka hadlay Khilaafka Rooble iyo Farmaajo, arrimaha Galmudug iyo Kiiska Ikraan

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo canshuur cusub ku soo rogtay Ganacsatada Muqdisho

Caydiid Ali

Madaxii Shirkada DP World ee Dekadda Boosaaso oo goordhaw la toogtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---