Tirada dadkii ku barakacay Colaada magaalada Laascaanood oo la shaaciyay

Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sababay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac , waxa uu sidoo kale dagaalka sababay barakaca kumanaan dad ah.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha Bani’aadannimada (OCHA), ayaa shaacisay in dad gaaraya labo boqol oo kun oo qof ay ka barakaceen magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Hay’adda OCHA ayaa sidoo kale shaacisay in dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ay ku dhinteen dad ka badan 57-qof ,halka ay ku dhaawacmeen dad kale oo ka badan afar boqol oo qof.

Waxa ay sidoo kale  hay’adda QM ee qaxootiga UNCHR  sheegtay in dad gaaraya 90.000 oo ruux oo ka barakacay dagaalka Laascaanood ay gudaha u galeen dalka Itoobiya, halka tiro kale oo badana ku barakaceen gudaha Soomaaliya.

Barakaca magaalada Laascaanood ayaa korortay kaddib marki ciidamada Somaliland xoojiyeen duqeymaha culus ee ku garaacayaan magaalada Laascaanood, duqeyntan ayaana sababtay geerida dad badan oo shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -