Haweeney ninkeeda oo 55-sanno jir ah ku qalqaalisay in Iskuul Hoose dib ugu laabto

Wax-barashada lagama gaboobo. Sidaas oo ay tahay dad badan waxay u heystaan in weynaantu tahay caqabad ku horgudban aqoonta iyo cilmi-raacashada. Laakiin in yar ayaa dhab u aaaminta inuusan habeen ka tagin oo weli ay fursad u heystaan wax-barashada.

Waana sheekada 55 jirka u dhashay dalka Rwanda midda tusaale nool u ah. Jean Marie Vianny. Ma uusan helin yaraantiisa fursad uu wax-barashada dugsiga hoose uga baxo. Laakiin ku dhawaad 50 sanni kaddib, wuxuu doortay inuu dib ugu laabto wax-barashada. Aad buu dhabtii uga weyn yahay da’ ahaan qof walba oo jooga iskuulka – xattaa qaar badan oo barayaashiisa kamid ah. In bandanna wuxuu u noqon karaa awoowe.

Sida ardayda caadiga ah ayuu subax walba iskugu diyaariyaa aadidda iskuulka. Laakiin halka ilmuhu kaalmo ka helaan hooyooyinka, isaga waxaa uniform-ka iskuulka u gelisa xaaskiisa. Waxay u sheegtaa inuu guuleyste noqdo oo aanu dareemin in waqti ka tagay.

Daba-socodka iyo la-jaanqaadka tallaabooyinka ardayda kale ee ku fasalka ah, qofna ma moodayo wax aan ka ahayn waardiye ama ilaaliye u xilsaaran bedqabka ardayda. Haddaanuse wadan lahayn boorsada iyo buugaagta, hubaal dhab looma fahmeen howlgalkiisa maalinlaha ah.

In kasta oo wax-barashadu yaraantiisa u lahayd mudnaan, haddana nasiib uma yeelan sida asaagiisa inuu dhammeeyo. Hadda wuxuu halgankiisa marinayaa fasalka shanaad. Aad buuse ula qabsaday dabeecadda fasalka. Fahamkiisa waxa loo dhiganayana ma ahan mid liita. Waagii hore, dalkan yar ee Rwanda waxaa wax loogu dhigi jiray afka Faransiiska, laakiin hadda waxaa lagu baraa afka Ingiriiska.

Balse imaanshiyihiisa halkan iyo doorashadiisa wax-barashada ma ahan mid qofna uu filayay – xattaa macalimiintiisa. Aad bay dhif iyo mar la arag u ahayd in isaga oo kale oo soo xaadiro fasallada si wax loogu dhigo. Laakiin wuxuu sameeyey taariikh cusub.

Wuxuuse amaan ku mutay xaadirkiisa xilli hore iyo heelanidiisa xiisadaha fasalka. Tusaale fiican ayuu runtii u dhigaa ardayda la fadhisa. Dhab ayuu runtii ugu muuqdaa sida uu yahay. Raadkiisuna wuxuu fasalka ka yeelay mid ka duwan kuwa kale. Hadda ilmuhu kama dhex qeyliyaan fasalka uu dhigto. Wuu la cayaaraa – lana sameeyaa leyliga loo soo diro. Daabuurkana kama haro.

Sida ardayda kale, marka laga soo daayo iskuulka, Vianny wuxuu kusoo noqdaa gurigiisa. Wuxuuna dhinac ka qabtaa shaqada guriga. Aqalka yar ayay labaduba ku nool yihiin. Waxa ay ku samata-baxaan nolol ahaanna waa abuurashada dalagga iyo qudaarta hadba midkii usoo baxa.

Afadiisu waa sidiisa oo kale. Weligeed wax ma baran. Mana aysan helin fursaddaas. Waana sababta ay seygeeda uga caawinayso inuu wax barto si ay mustaqbalka ifaya u abuurtaan. Isaga ayaase ula yimid fikradda ah inuu wax barto.

Waase iyada qofka ugu muhiimsan noloshiisa oo la go’aaminaysa nuuca timaadada ay doonayaan inay ku noolaadaan mustaqbalka. Ficilkiisu wuxuu saameeyey in kale oo hadda sidiisa oo kale iska furaya xarkaha cabsida iyo xishoodka si ay heeryada jahliga isaga ridaan.

Hadafkiisu waa inuu nolosha kula saaxiibo wax-barasho iyo hiigsiga mustaqbalka iftiimaya.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -