(Akhriso) Somaliland oo amaro culus ku soo rogtay Telefishinada Madaxa banaan

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Warfaafinta Somaliland Max’ed Muuse Diiriye ayaa warbaahinta madaxa banaan ee fadhigoodu yahay Somaliland ku soo rogay amaro adag.

Waxaa amaradaas ka mid ah inay wararka Somaliland ugu horaysiiyaan wartebintoooda, iyo in Wararka Somalia lagu daro kuwa caalamka.

War-saxafadeedka ayaa lagu sheegay in kulan lala qaatay Telefishinada laga leeyahay Somaliland kulankaasoo ahaa mid lagu xoojinayo wadashaqaynta Wasaarada iyo Warbaahinta gaarka loo leeyahay.

Amarka ayaa la sheegay inuu ku dhaqan geli doono muddo labo usbuuc ah, maca cadda in amarkan uu saameyn doono iyo in kale telefishinada aan laga laheyn Somaliland balse halkaas xarumaha ku leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -