Muuse Biixi oo Baaq jilacsan u diray Waxgaradka iyo Shacabka Laascaanood (Sawirro)

Kulan ballaadhan oo lagu gorfaynayo nabadda iyo deggenaanshaha magaalada Laascaanood baaqna loogu dirayo shacabka reer Laascaanood ayaa maanta lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland, waxana si mug leh loogu falanqeeyey sidii nabad buuxda loogu soo dabbaali lahaa magaalada Laascaanood.

Kulankan oo uu madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi, isugu yeedhay, islamarkaana ay kasoo qaybgaleen shirguddoonka golaha guurtida, madaxweyne-ku-xigeenno hore, xildhibaanno, siyaasiyiin, salaadiin, culimaa’udiin, , ganacsato, haween, aqoonyahan, dhallinyaro iyo badiba haldoorka iyo waxgaradka reer Somaliland, ayaa lagu lafo guray sidii talo midaysan iyo afkaar waxtar leh looga geysan lahaa soo afjaridda dhibaaatada Laascaanood, talo midaysan oo Somaliland u dhantahayna loo soo saari lahaa.

Xubno kamid ah golaha wasiirrada oo ay kamid yihiin wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, warfaafinta, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Ganacsiga, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani), ayaa iyaguna dhankooda ku dheeraaday qiimaha ay nabaddu leedahay, iyaga oo hoosta ka xarriiqay inay xukuumadda ka go’an tahay in wada-hadal iyo Isfahan buuxa lagu soo afjaro shaqaaqada Laascaanood, go’aanna ku gaadhay in gogol nabadeed lagu wada-hadlo.

Guddoomiyaha golaha guurtida, Mudane Saleebaan Maxamuud iyo talooyin badan kasoo jeediyey kulanka, ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay in xal degdeg ah laga gaadho dhibka Laascaanood, isaga oo xusay inay Laascaanood tahay udub-dhexaadka Somaliland, waxana uu yidhi,“Somaliland hore ugamay maarmin reer Sool, maanta kama maarmi karto, waana dad is dhalay oo aan meelna u kala kici karine aynu xalka wada raadino.”

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kulanka soo gunaanaday, ayaa Ugu horrayn muujiyey sida uu uga xun yahay shaqaaqada Laascaanood ka taagan, xukuumad ahaanna ay in badan xakameeyeen, waqti badanna geliyeen sidii xal waara loogu heli lahaa xabbadda, dedaal badanna geliyeen inaan shacabka awood loo isticmaalin, isaga oo shacabka reer Laascaanood iyo waxgaradkoodana ugu baaqay inay dedaal badan geliyaan sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa magaalada.

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu carrabka ku adkeeyey in cid kasta oo ku waxyeellowday dhibaatada Laascaanood ay tahay cid Somaliland ka dhibaatooday oo ka damqanayaan, dhammaynteedana ay xil weyn iska saareen.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay shacabka reer Somaliland yihiin kuwo midaysan, aan kala guulaysan, walaalo ah, khilaaf kastana dhexdooda ka heshiiya, ka madaxweyne ahaanna ay nabaddu tahay mudnaantiisa koowaad, waxana uu yidhi, “Reer Somaliland ma kala adkaadaan, isma xaqiraan, ninna nin ma jiidho waase walaalo is khilaafay oo khilaafka isaga iman doona, reer Sool waxan leeyahay kollay waa la heshiin doonaaye khasaaruhu ha yaraado, wada-hadalna aynu bilowno, Somaliland maanta mudnaanteedu waa nabadda, cid shuruud ku xidhi kartaana ma jirto.”

Ugu dambayntii, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu shacabka reer Laascaanood, madaxdooda iyo waxgaradkoodaba ugu baaqay inay nabadda iyo walaaltinimada bulshada ka shaqeeyaan, isaga oo ballanqaaday inuu dhiniciisa xil weyn iska saarayo sidii gogosha nabadda ee taalla looga soo saari lahaa qodobbo dhibaatada taagan loo Af-meera.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -