Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne hore oo Dagaalka Laascaanood ku sifeeyay Dambiyo ka dhan ah…

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul uga hadlay dagaalka isbuucii labaad ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaa oo galaaftay nolosha dad badan oo shacab ah .

Sheekh Shariif ayaa dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ku sifeeyay dambiyo ka dhan ah bini’aadannimada, waxa uuna intaa raaciyay in aan loo dulqaadan karin daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

Halkan ka akhriso qoraal uu arrintan uga hadlay Sheekh Shariif

𝗕𝗶𝘀𝗺𝗶𝗹𝗹𝗮𝗵𝗶,

𝗫𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗟𝗮𝗮𝘀𝗰𝗮𝗮𝗻𝗼𝗼𝗱

Waxaa ayaan darro wayn u ah Soomali oo idil Dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood oo gaaray maalintiisii 12-aad iyadoo colaaddu ay sii xoogaysanayso oo weli aysan muuqan ififaalo nabadeed, waxaa sii labanlaabmaya dhimashada, dhaawaca, barakaca iyo burburka hantiyadeed ee soo gaaraya dadka aan waxba galabsan.

Hadaba annagoo gudanayna waajibka naga saaran joojinta iyo xakamaynta dhiiga Umadda Soomaaliyeed ayaan markale ku baaqaynaa joojinta dagaalka ka socda magaalada Laascaanood si shuruud la’aan ah, waxaan xusuusinaynaa dadka Soomaaliyeed iyo Bulshada Caalamka Casharka ugu muhiimsan ee laga faa’iiday dagaalladii sokeeye ee ka dhacay Dalka Soomaaliya waa inaan beeli beel kale xoog ku maquunin karin, awood ciidanna lagu gaari karin ujeeddo siyaasadeed.

Looma dulqaadan karo daadinta dhiigga Soomaaliyeed, waxa ka socda magaalada Laascaanood waxaa lagu sifayn karaa dambiyo ka dhan ah Bini’aadannimada, xad gudubna ku ah mucaahadaadka iyo xeerarka caalamiga ah.

Duullaanka socda waxaa laga dhaxlayaa oo qura, dhimasho, dhaawac, nacayb ay wiil iyo abtigiis isnacaan, colaad mahadho ah iyo burbur hantiyadeed.
Hadaba, Si loo dabo qabto musiibada waxaan ku baaqayaa:

1- in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo xabadda.

2- In ciidanka laga dulqaado magaalada.

3- In Isimada, culimada iyo waxgaradka labada beelood ay kulan degdeg ah isugu yimaadaan.

4- In Dowladda Federaalka Soomaaliya ay adeegsato culays siyaasadeed iyo mid Diblimasi sidii nabad waarta loogu soo dabbaali lahaa colaadda dabo dheeraatay.

Ugu dambayn, anigoo bogaadinaya dadaallada beesha caalamka ee ku wajahan daminta colaadda ka aloosan Laascaanood; hadana waxaan leeyahay waa in tallaabo sharci ah laga qaadaa cidda hurinaysa colaadda Laascaanood iyadoo la adeegsanayo fagaarayaasha caalamiga ah sida: The Arusha Tribunal iyo Maxkamadda dambiyada caalamiga (International Criminal Court).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamad soo saartay Ammar cusub oo ka dhan ah Axmed Rashiid

Cabdi Cade

Tedros Adhanom oo shaaciyey iney gargaar Caafimaad oo deg deg ah gaarsiinayaan Muqdisho

Caydiid Ali

Hoggaamiyihii ugu weynaa burcada Daroogada ka ganacsata oo lagu qabtay Istanbul

Cabdi Cade