Madaxwene Gaas iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo soo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti  uu hogaaminayo ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay ujeedka safarkiisa ayaa sheegay in magaalada Muqdisho isaga iyo weftiga uu hogaaminayo ay kaga qayb geli doonaan shirka amniga Qaranka , waxaa sidoo kale shirkan qayb geli doona Madaxda Dowladda Federaalka  iyo Madaxda dawladdaha xubnaha ka ah Dowlada Feredaalka Soomaaliya.

“Waxaan  soo gaaray Magaalada Muqdisho oo aan kaga qayb-geli doono shirkii Amniga Qaranka oo ay isugu imanayaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda dowladaha xubnaha ka ah DF Soomaaliaya , shirkaas oo qaadan doonaa muddo laba maalmood ah , waxaana looga hadli doonaa hawlo la xiriira amniga Qaranka insha’ alaah intaa kadib waxaan kusoo laaban doonaa Caasimadda Puntland ee Garowe ayuu hadalkiisa ku daray Dr. Cabdiweli Maxamad Cali Gaas. ”

” Waxaan rajeynayaa in aan amnigeena iyo nabad-gelyadeena sii kobcino guul iyo kheyr ayaan rajaynayaa inshaa alaah “ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu danbeyn Madaxweynaha Puntland ayaa ka qayb gelid doono shirka amniga Qarnka Soomaalia ,shirkaas oo furmi doonaa maalinimada berri ah lana soo geba-gebayn doono labada maamlood ee fooda inagu soo haysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -