Dowlada Somalia oo xaqiijisay dilka hogamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab

WAR-SAXAAFADEED

Hawlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen  Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka ayaa lagu dilay horjooge  Macalin Ayman

Hawlgalkan oo dhacay 17-kii bishaan December, waxaa uu  ka dhacay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Horjoogaha la dilay Macalin Ayman wuxuu ahaa dhagarqabe muhiim u ah cadowga oo abaabulay weeraro argagixisadu ka geysteen gudaha dalka iyo dalalka dariska, dilkiisuna waa qodax kale oo ka siibantay dadka Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero ka helaysa dadkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah, ayaa waxaa ka go’an beegsiga horjoogayaasha argagixisada iyo maleeshiyaadka haraadiga ku ah kooxaha Khawaarijta.

Dowladda waxa ay markale ku celinaysaa in horjoogayaasha iyo maleeshiyaad la qalday in ay fursad u haystaan in ay isku soo dhiibaan dowladda dibna dadkooda uga mid noqdaan si ay naftooda uga badbaadsadaan hawlgalka Ciidanka Qaranka, geesiyaasha deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah.

- Advertisement -