Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo sheegtay in Sargaal Ciidan ku dileen Magaalada Muqdisho

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qarax miino oo xalay ka dhacay degmada Waabari ee gobolka Banaadir, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in qaraxaasi lagu weeraray sargaal katirsanaa ciidanka Nabad sugida.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa lala eegtay sargaal katirsanaa ciidanka Nabad sugida iyo sirdoonka Soomaaliya , waxaana warka Al Shabaab ku sheegeen in qaraxaasi sababay Dhimasho iyo dhaawac.

Al Shabaab ayaa sheegtay in sargaalka qaraxa ku dileen uu ahaa gaashaanle katirsan Hay’adda Nabad sugida oo magaciisa kusoo koobeen Nuur, waxa ay sidoo kale qaraxaasi Al Shabaab sheegeen in ay ku dhaawacmeen askar.

“Mujaahidiinta ayaa qarax ka dhacay degmada Waaberi ku dilay sarkaal katirsanaa sirdoonka dowlada Soomaaliya, laba askar oo ilaala u ahaana waa ku dhaawacmeen” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Qaraxyada miino ee lala eegto gaadiidka ay wataan saraakiisha iyo masuuliyiinta dowlada ayaa mudooyinkan dambe kusoo badanaya magaalada Muqdisho, qaraxyadan ayaana mararka qaar waxyeelo kasoo gaartaa dad shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo beeniyay Warar si weyn loo hadal hayay

Cabdi Cade

Sargaal kasoo goostay kooxda Al Shabaab oo lasoo bandhigay

Cabdi Cade

Dayuuradaha Maraykanka oo duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali