Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Qoorqoor oo ka qeyb galay xaflada caleemo saarka Muxyadiin Aadan Wali

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo ku sugan degmada Cabudwaaq ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu caleema saarayo Gudoonka cusub ee dhawaan loo doortay Cabudwaaq.

Munaasabadda caleema saarka gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka Degmada Cabudwaaq  oo dhawaan ay doorteen Golaha deegaanka ayaa sidoo kale marti galisay Wasiiro, xildhibaan iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay gudoonka cusub ee Degmada Cabudwaaq, asagoona ugu duceeyay in Eebbe la garab galo masuuliyadda culus ee loo doortay. Madaxweynuhu, wuxuu sidoo kale bogaadiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, oo dardar gelisay dhismaha golayaasha deegaanka degmooyinka Galmudug.

Related posts

Arrin cusub oo beryahan ku soo korortay degmada Hobyo & Wasiir Fiqi oo ka digay

Caydiid Ali

Koox hub macmal ah dadka ku dhibaateen jiray oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo loo fasaxay in ay ka dhoofaan Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---